"waa caadi in muslimiintu ay dhigtaan xafladdhalasho" caalim sucuudi ah


wax cilad ahi kuma jirto in qof muslim ahi uu dhigto xaflad dhalasho ama uu ka qayb galo midqoyskiisu dhiganyaan ,sida uu sheegay wadaad kamida ah culimada magaca leh ee sacuudiga carabiya ,laguna magacaabo dr qays bin maxamed al sheekh mubaarak.


muslimiin badan ayaa aaminsan in xaflada dhalashadu ay meel ka dhac ku tahay in la samaysto diinta islaamka, isla markaana ay mamnuuc tahay in la samysto ama laga qayb galo .


sheekh qays oo ka mid ahaa golaha sare ee culimada sacuudiga ayaa sheegay xaflada dhalashada ay hoos galayso dhaqanka iyo caadoooyinka oo aysan kamid ahayn arimaha diinta islaamka,ama lagu xarimay quraanka iyo sunnada nabiga NNKH.


xadiiska ah in wax kasta oo lagu kordhiyo ay mamnuuc yihiin waxa uu khuseeyaa arimaha cibaadada,sida in shanta salaadood lagu siyaadiyo mid lixaad oo waajib ah . waa cibaadooyinka lagu xusay quraanka iyo sunada .

culimada diidan xuska maalinta uu qofku dhashay ayaa qiil ka dhiga in xafladaha noocaasi aaanay ahayn dhaqan islaam ,aanay yihiin ddhaqn gaalo,isla markaana lagu tilmaami karo wax cusub oo lagu soo kordhiyay diinta.


inkastoo laysku khilaafsanyay yay xafladaha dabaaal daga dhalashada ,hadana culimada ayaa k siman inay mamnuuc tay in laga laga dhigo ficil diini ah.