japan:nin 30 sano dhuumanayay isagoo umalaynayay inuu socdo dadagaalkii labaad ee aduunku

bishii diisambar sanadkii 1944-kii oo ah bishii ugu danbaysay ee dagaalkii labad ee aduunka,sarreeye guuto ee reer jaban oo la odhan jiray hiroo onoda ayaa loo wareejiyay lubang,oo ah jasiirad yar oo ku taal filibiin

dhawr todobaad ka dib markii ay yimaaden dagaalyahanadii japan ee kasoo cararay weerarkii maraykanka waxay gabaad dhigteen kaynta .laakiin si ka duwan inta badan asxaabtiisa onoda ayaa jasiirada japan kudhuumanayay 30 sano

dowlada jaban ayaa ku dhawaaqday in onoda uu dhintay 1959-kii laaakiin dhab ahaantii wuu noolaa oo wuxuu fulinayay hawlgal qarsoodi ah oo loo igmaday oo ahaa inuu ilaaliyo jasiirada ilaa inta ciidamada ay kasoo laabnayan

markii uu kusoo laabtay japan 1974,onoda waxaa loo soo dhaweeyay sida geesiyada kale ee reer japan.wuxuu ahaa askarigii ugu danbeeyay ee japan ah ee ku noqda dalkiisa dagaalka ka dib ,xasuus-qorkiisa,oo la daabacay wax yar ka dib,ayaa noqday buuga ugu iibsiga badan

.