warka maanta

qodobada warka

gudida baarlamaanka ee doorashada madaxwaynaha soomaliya ayaa sheegay in 32 musharax ay ilaa iyo haatan isu diiwan galiyeen doorashada madaxwaynaha. iyadoo maalin kale oo dheeri ah ay ka hadhsantay wakhtiga loogu talo galay inay isku diiwan galiyan gudida doorashada ayaa sidoo kale sheegay goobta shirka amni ahaan ay la wareegayan ciidamada midawga africa iyadoo madaxwaynaha talada dalka haya loo ogolan doona 1 askari oo ah kan astaanta calanka iyo qof codka utiriya madaxwaynayaashii hore aya loo ogolyay borotikool iyo qof codka utiriya halka dhamaan musharaxiinta kale oo dhan loo ogolyay qof codka utiya oo qudha

 xubnaha maanta is diiwan galiyay waxa ka mida wadaxwayne maxamed cabdulaahi farmaajo ,fawsiya yuusuf xaaji aadan oo ah musharaxa kaliya ee dumar ah ee utartamaysa doorashada madaxtinimda iyo madaxwaynihii hore ee soomaliya xasan shiikh maxamud iyo xubno kale waxayna is diiwan galiyeen dhamantoodba maanta.