waa maxay sababta uu dalkan danmark isaga kiraynayo xabsiyadiisa.


kosovo ayaa ogolaatay in 300 oo qol oo xabsi ah ay ka kiraysato denmark si ay uyarayso ciriiriga ka jira jeelasha scandinavianka .


denmark waxay bixin doontaa   sanadle ah oo gaadhaysa 12.8m oo gini shanta sano ee socota ,waxayna sidoo kale ka gaysan doontaa maalgalin tamarta cagaaran ee dalka.

qolalka kirada ah ayaa loogu talo galay in lagu hayo danbiilayaasha la xukumay ee ka yimi wadamada aan ka tirsanyn midawga yurub

kosovo waxay leedahay inta udhaxaysa 700 iyo 800 oo xabsi oo aan la isticmaalin .labada dawladood ayaa isniintii lasoo dhaafay kala saxeexday heshiiskan oo socon doona muddo shan sano ah.

dalkan ayaa si iskii ah ugu dhawaaqay inuu ka go,ay serbia sanadkii 2008-dii .

guud ahaan kosovo ayaa rajaynaysa inay hesho lacag dhan 210 milion oo yuirub 10 sano ee soo socda iyadoo ka fa,iidaysanysa kiraynta xabsiyada Gjlin ,oo 50km ujirta caasimada pristina. wasiirada denmark ayaa lagu wadaa  inay booqdaan xabsiyada talaadada.