Turkigu muxuu uga soo hor jeestay inay finland iyo swedan ku biiraan nato.?



Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa sheegay inuu kasoo hor jeedo wadamada Finland iyo Swedan inay ka mid noqdaan gaashan buurta Nato.

Erdugan ayaa sheegay inay haboon tahy Finland iyo Sweden siday siyaasada caalamka mudo dheer dhexdhexadka uga ahaayeen uga sii ahaadan.


labada dal oo mudo dheer siyaasada caalamka dhexdhaxaad ka ahaa ayaa dagaalka ukraine markii uu bilawday ka dib sheegay inay doonayaan inay nato ka mid noqdaan.


codsiga ay gudbiyeen wadamada Finland iyo Swedan waxaa si wayn uga carootay moscow,Ruushka ayaana ka digay inay ku biiraan gaashan buurta nato haday ku biiraana ay horseedi doonto in gobolka Baltic lagu dagaalamo.