WAX KA YAR LAB IYO TOBAN SAACADOOD AYAA INAGA XIGA DOORASHADA MADAXWAYNAHA SOOMALIYA.



Doorashada inagu soo fooda leh maalinta bari ah ayaa lagu dooran doonaa madaxwaynaha soomaliya ee shanta sano ee soo socota waxaana codayn doona oo shacabka matalaya labada golle barlamaan.


doorashada labada aqal ee baarlamaanka 11aad jamhuuriyada soomaaliya waxay bilaabmatay bishii luulyo 2020 ilaa iyo hada waxa dhiman hal kursi kaliya oo laga leeyahy deeganka hir shabeele,doorashadan ayaa ah mid mudo dheer soo jiitamaysay,oo dalka galisay khataro waawayn iyo buuq siyaasadeed.jadwalada ayaa is badalaya waxaana dib udhac wayn ku yimi filashada bulshada soomaliyeed iyo beesha caalamka,waxaana doorashada hareeyay eedaymo fara badan,sida wax is daba marin,musuq,habraacyo aan la dhaqan galin ,isku dhacyo hubysan oo ay abaabuleen beelo saluugsan nidaamka doorashada. tirada guud ee xildhibaanada ee soo laabtay ayaa ku dhaw 100,waxa dhinaca kale soo galay xildhibaano cusub oo kor udhaafaya 230.